Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Shir wadatashi ah,kaasi oo dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira uu isugu yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Shirkan ayaa waxaa lagu waday in uu furmo 2-da bishan oo ku beegneyd Khamiistii la soo dhaafay,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid,kadib markii Madaxdii lagu Casuumay Shirkaasi ay tegi waayeen Garoowe.
Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana weli gaarin halkaasi Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna kusii jeeda Maanta,waxaana Garoowe shalay gelinkii dambe gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sidoo kale shirka ayaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isla markaana ay u yeelan lahaayeen Wadashaqeyn buuxda.