Madaxa Bangiga Adduunka oo ballan qaad hor leh u sameeyay Dowladda Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Madaxa Bangiga Adduunka iyo xubno la socday ayaa warbixin dheer ka siiyay Ergeyga mashaariic farabadan oo Bangiga Aduunku ka wado Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale sheegay in mashaariicda oo ahaa kaliya horumarin qaarkood loo qaabeeyay si wax uga tari karaan arrimaha Abaaraha maadaama xaaladda abaaruhu daran yihiin.

Xubnaha Bangiga Adduunku ayaa waxa ay si firfircooni leh uga hadlayeen howlaha kala duwan ee ay rabaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan, iyaga oo tilmaamay in ay quuddareynayaan dardargelinta fulinta mashaariicda hore loo oggolaaday.

Waxaa intaas ka dib laga dooday siyaalaha Bangiga Adduunku u taageeri karo xafiiska iyo ka wada shaqeynta mashaariicda xilligaan loogu baahida badanyahay, iyada oo Bangigu gebogabodii ergeyga u ballan qaaday gacansiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor