Wasiiro iyo Xildhibaano oo Baaq kasoo saaray dagaalka duleedka Kismaayo

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, salaadiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeedo deegaannada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg oo sharuud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soconaya galbeedka magaalada Kismaayo oo u dhaxeeya dad walaalo ah oo wada dega, waxaana gogosha lagu kulmay dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Odoyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday waxgaradka ku sugan Kismaayo in laga wada qeyb-qaato sidii loo damin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay duleedka magaalada Kismaayo, isla markaana la joojiyo dagaalka micno darada ah ee dhiiga dadka Walaalaha ku qubanaya,

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii dhacay dib la iska imaan doono, hase yeeshee dagaal horleh aysan xamili karin dadku, loona baahanyahay in la joojiyo dagaalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa ugu baaqay dadka dagaalamaya inay ku joojiyaan si shuruud la ‘aan ah, sidoo kale waxaa fariin u diray dadka dagaalka ku buun buuninaya baraha ay ku xiriiraan bulshada inay dadka marin habaabinin oo ay joojiyaan falalka nuucaasi oo kale ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media