Maamulka Koonfur Galbeed oo Amar dul-dhigay Shirkado iyo Ganacsato

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay Amar Cusub oo ku socda Shirkadaha iyo Ganacasata ka shaqeysa Arrimaha Shidaalka ee howlgala deegaanada maamulkaasd.

Qoraal kasoo baxay Xafiisak Wasiirka Batroolka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdinaasir Nuur ayaa waxaa dhamaan Shirkadaha iyo Ganacasata ka shaqeysa Arrimaha Shidaalka lagu wargeliyay inay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Qoraalka uu soo saaray Wasiir Maxamed Cabdinaasir ayaa waxaa lagu sheegay in ciddii fulin weyda Go’aanka Wasaaradda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Batroolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media