Madaxweyne Waare iyo Hay’addo Samafal oo kulan Deg-deg ah u socda

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ka socda kulan Deg-deg ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Hay’addaha Samafalka, Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulanka aya waxaa looga hadlayaa wax ka qabashada Cudurka shuban biyoodka oo dhawaan ka dilaacay Magaalada Baladweyne, isla markaana ay dad u geeriyoodeen, halka kuwo kalena ay la jiifaan.

Sidoo kale kulanka uu shir Guddoominayo Madaxweyne Waare ayaa looga hadlayaa sidii gargaar deg-deg ah loo soo gaarsiin lahaa Xarumaha Caafimaadka ee saacadihii lasoo dhaafay la jiifiyayn dad badan uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka.

Cudurka Shuban biyoodka ee ka dilaacay Baladweyne ayaa waxaa la sheegay inuu sabab u yahay fatahaadii uu sameeyey Wabiga shabeelle, maadaama dadka ay muddo barakac uga maqnaayeen Magaalada.

Isbitaalada ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la jeefiyay in ka badan 45 ruux oo Cudurka Shuban bioyoodka uu  soo retay kuwaa oo xaladooda Caafimaad lala tacaalayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media