Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu saakayto ku dhawaaqay Mas’uulka uu u soo xulay xilka Ra’isul-wasaaraha XFS, waxayna magacaabistaasi noqotay Filan-waa’ Siyaasadeed.
Hadal-haynta maalmahan aad la isla dhex marayey ayaan rumoobin, kadib, markii Madaxweyne Farmaajo shaaciyey inuu xilkaasi u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo aan horey uga mid ahayn Jilayaasha Masraxa Siyaasadda ee dalka.
RW Kheyre waxaa lagu yaqiinay Hawlaha Samafalka Aadminimadda, wuxuuna muddo dheer Madax ka ahaa Xafiis-gobaleedka Golaha Qaxootiga Norway (NRC) ee Bariga Afrika.
Xilka Dhaqdhaqaaqe Samafale ayuu ahaa tan iyo markii uu Dhalashadda dalka Norway qaatay, waxa uu haatan Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain ugu magacaaban yahay Wakiilkooda Bariga Afrika.
Taariikh ahaan Mas’uulkan waxa uu Warbaahinta Caalamkaa qabsaday Labo Dhacdo oo isaga khuseysay, waxaana ugu muhiimsanayd Warbixin ay Kooxda Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea soo saartay bishii March ee sannadkii hore, kuna sheegeen inay Shirkadda Som Oil and Gas iyo Xasan Kheyre xiriir la leeyihiin Xarakadda Alshabab.
Guddigaasi waxay baaritaan kale kadib soo saareen Warbixin kale bishii June ee sannadkii hore, oo ay kaga laabteen Eedeyntooda, waxayna xuseen inaysan Shirkadda Som Oil and Gaas iyo Xasan Kheyre wax xiriir ah la lahayn Xarakadda Alshabaab.
RW cusub waxa uu Wada-shaqeyn dhow la lahaa Madaxweynihii xilka banneeyey, Xasan Sheekh, isagoo ka mid ahaa Gacan-Yarayaashiisa dhinaca Heshiisyadda Caalamka.
Xiriirka noocaasi ayuuna ku kasbaday Isku-day loogu magacaabi lahaa Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD bishii April ee sannadkii hore, balse caqabado ka yimid qaar ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa ka hor joogsatay inuu Magaca Somali ku qabto Xilkaasi.
Haddaba, Mas’uulkaasi waxa uu dadaal sannooyin qaatay kadib uu calaf u helay in loo magacaabo xilka RW Xukuumadda cusub, wuxuuna u baahan yahay inuu Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka ka helo Codka Kalsoonida, si uu u hawl-galo.
RW Kheyre waxa uu isla maanta jeediyey Khudbadiisa ugu horreysay wax yar kadib markii loo magacaabay Xilkasi wxa uu xusay inuu soo dhisi doono Xukuumad ay Shacbiga raalli ka yihiin.
RW Kheyre waxaa loo baahan yahay inuu si taxadar leh uga fiirsado Dhismaha Xukuumadiisa, si uusan saluug iyo mucaarado kala kulmin, illayn Xaalladda Awood-qeybsiga ayaa xilligan ku dhisan Nidaamka Siyaasad-qeybsiga ee 4.5
Si uu uga gudbo caqabadaha iyo isbaaradaha Siyaasadeed ee uu la kulmi karo waxa la gudboon inuu si Daah-furnaan leh u soo dhiso Xukuumad Asaas mideysan leh, isla markaana Tiro iyo Tayo ka dhisan.
Waana hubaal inuu Mashaqo Siyaasadeed kala kulmi doono muddada uu xilkaasi hayo, waxaana ku haboon inuu Dulqaad Siyaasadeed muujiyo, isla markaana tixgeliyo Rabitaanka Ummadda iyo Qaranka.
RW Xasan Cali Kheyre waxa uu Xilkaasi ku najaxi karaa marka uu Kalsooni Wada-shaqeyn ka helo Madaxweyne Farmaajo, Labada Gole ee BFS iyo Golaha Wasiiradda ee uu soo dhisayo, wuxuuna turunturo iyo fashil kala kulmi karaa haddii uu soo magacaabo Wasiiro aan Firfircoonayn iyo kuwo ku caan baxay Musuqa iyo Boobka Hantida Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul-wasaaraha Cusub ma soo dhisi doonaa Xukuumad Hufan oo asaas mideysan leh ?
©Radi Dalsan