Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Madaale ayaa soo saaray Amar lagu mamnuucay Dibadbaxyadda Siyaasadeed ee looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Amarkan ayaa soo baxay, kadib markii uu la shiray Guddoomiyayaasha 17-ka Degmo ee Gobalka Banaadir.
Afhayeenka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo maanta la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay in uu Maamulka Gobalka Banaadir tallaabo adag ka qaadi doono haddii la qabto Dibadbax aan sharci loo haysanin.
Dhinaca kale, Musharixiinta Mucaaradka ee u loolami doona Xilka Madaxweynenimo ayaa horey ugu baaqay Taageerayaashooda inay dhigtaan Doorahooyin Nabadeed oo lagu dhaliilayo Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Musharixiinta Madaxweynenimo ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C//aahi Farmaajo ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soodegaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana ay Taageerayaashooda kula hadli doonaan meel Fagaaro ah.
©Radio Dalsan