Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, oo katirsan maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtey doorashada lix kursi, oo qeyb ka ah kuraasta baarlamaanka Soomaaliya, oo deegaan doorashadoodu ay tahay Balad Weyne.
Kan koowaad, ayaa wuxuu ahaa kursiga uu tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo uu ku guuleystay Fahad Yaasiin, oo ah la taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuu helay 70 cod, iyadoo murashaxii la tartamayey uu helay 24 cod. Kursigan ayaa muddo xileedkii ugu danbeeyey waxaa ku fadhiyey Faarax Cabdulqaadir.
Kursiga labaad, oo tirsigiisu yahay HOP015, waxaa ku guuleystay Xiis Xasan Aadan, oo kolkii horaba isaga ku fadhiyey, ka gadaal markii qofkii la tartamayey, oo ah Maryan Xasan Cabdi ay tanaasushay.
Kursiga saddexaad waa HOP008, Maxamed Deeq barre Cumar ,ayaa ku guuleystay, isagoo helay 89 cod.
Kan afraad, waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Xasan, oo helay 78 cod. Doorashadan ayaa waxey ku dhacdey nidaam gacan tag ah.
Kursiga shanaad, waa #HOP109, waxaa ku guuleystay Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, kaasoo kolkii horaba ku fadhiyey. Wuxuu helay codad gaaraya 92.
Kan u danbeeya, waa kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP074, waxaa ku guuleystay Cabdulkariim Cumar Xuseen, oo helay 98 cod.