Doorashadda xubnaha Maamulka Hirshabelle uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey Casaimadda Maamulkaasi ee Jowhar.
Waxaana cod-bixintaasi lagu soo doortay 8-dii xubnood ee Maamulkaasi uga mid noqon lahaa Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Xubnaha la soo doortay oo ka soo kala jeeda Beelaha wada deggan Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxay magacyadooda kala yihiin
- Cismaan Maxamed Macow
- Prof. Cismaan Maxamuud Dufle
- Muuse Suudi Yalxow
- Maxamed Xuseen Raage
- Maxamed Cusmaan Faarax “Dhego-juun”
- Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan
- Fartuun C/qaadir Faarax “Karaama”
- Naciima Ibraahim Yuusuf.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay xubnaha HirShabelle uga mid noqday Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Waxa kale oo uu bogaadiyey labada gabdhood ee ku soo baxay Doorashaddaas , wuxuuna xusay inuu Maamulkiisa mudnaanta siinayaan sidii Haweenka loogu dhiiri-gelin lahaa inay Kaalin ka qaataan Hawlaha Maamulka iyo Siyaasadda dalka.
©Radio Dalsan