Dowladda Federalka, QM, Midowga Europe, Maamulladda Galmudug iyo Puntland iyo Hay’adda QM ugUqaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa iska kaashanayoMashruucaasi oo shaqo iyo dhaqaale loogu abuurayo Da’ yarta Bulshadda ku nool Deegaanadda Xeebleyda ee Banaadir, W/bari iyo Bartamaha Somalia.
Madaxa Ergadda Midowga Europe u joogta Somalia, Ambassador Veronique Lorenzo ayaa sheegtay in shaqo xilli dheer loo abuurayo Dhallinyaradda ee Bulshadda Kalluumeysatada, waxayna xustay Istaraatijiyadda Mashruucaasi inay tahay sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeeda.
Mashruucaasi ayaa waxa uu Midowga Europe ka helay lacag dhan 5.3 million oo Euro oo u dhiganta qiyaastii 6 million ooDolalr.
Mashruucaasi ayaa waxaa uu Dahallinyaradda Bulshadda Kalluumeysatada siin doonaa Tababar, Qalab iyo sidii loo wanaajin lahaa wax-soo-saarka.
Sidoo kale, Mashruuca waxa uu Kharaj Caddaan ah siin doona Dhallinyarada Haweenka, Kalluumeysatada iyo Xoolo-dhaqatada laga soo xulay Bulshadda Xeebleyda, kuwaasi oo loo abuuri doono shaqo muddo eheer ah iyo inay sare loogu qaado macaashka soo gala.
Ku-dhawaad 200 dhallinyaro ka soo jeeda Bulshadda Xeebleyda ee ku nool Muqdisho, Galmudug iyo Puntland ayaa ka faa’ideysan doonaa inay isticmaalaan Maraakiibta cusub ee lagu kalluumeysto iyo inay helaan Tababar Farsamo oo kor loogu qaadayo sida Kalluunka loo qabto, loo yareeyo Kharajka iyo Maamulka Wanaagsan ee Kheyraadka Badda.
©Radio Dalsan