Lammaane dhawaan aqal-galay, isla markaana ku jira Bisha Malabka iyo Farxadda Arooska ayaa xalay ku geeriyooday Tuulladda Ari’ caddays oo hoos tagta Degmadda Caabuud-waaq ee Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia.
Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Lammaanahaasi ay Biriqda ama Danabka ku dul dhacday xalay, xilli ay dhex jiifeen Aqalkooda.
Dadka ku nool Deegaanka Ari’-caddays ayaa naxdin iyo argagax weyn ka muujiyey Dhacdadaasi, maadaama ay maalmo ka hor ka qeyb galeen Farxadii Galbiska iyo Aqal-galkii ee Lamaanaha xalay ku geeriyooday Biriqdii la socotay Roobkii Mahiigaanka ee xalay ka da’ay Deegaankaasi.
Allaha U Naxariisto Lammaanahaasi oo lagu kala magacaabi jirey Raage Naanale Aadan Bootaan iyo Faadumo Subeyr Cabdi Cabdulle Hiiro ayaa maanta lagu wada aasay Qabuuraha ku yaalla Tuulladda Ari’ caddays ee duleedka Caabuud-waaq.