Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qaybgelayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowaan ka furmaya caasimadda. Shirkan ayaa muhiimad weyn leh, maadaama uu diiradda saarayo wadatashiyo qaran oo la xiriira arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, waxaana lagu wadaa in madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay ka wada xaajoodaan xal u helidda khilaafaadka jira.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Lafta Gareen uu magaalada Baydhabo kala yimid ciidamo hubeysan, taas oo muujinaysa heerka xiisadda ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii xoojineysa dareenka ah in aan weli xal laga gaarin muranka u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka taagnaa maamul goboleedka iyo dowladda federaalka.
Inkasta oo Lafta Gareen uu magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka shirka wadatashiga, haddana xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa weli cakiran. Khilaafkan ayaa salka ku haya isfaham la’aanta dhinacyada ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka, awood-qeybsiga, iyo maamulka amniga gudaha ee gobolka, sidoo kale Lafta-Gareen ayaa Dhawan si cad u taageeray Ciidanka Itoobiya.