Lafta-gareen oo xilka qaaday Wasiiro iyo kuwo Cusub oo la Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, isagoona Magacaabay kuwo kale oo Cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Lafta-gareen ayaa waxaa xilka looga qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame Dhoofan iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullaahi Cabdulle Cabdi.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Maxamed Cabdiraxmaan Nuur u Magacaabay  Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, Wasiirka Macdanta iyo Batroodka ayaa laga dhigay Ilyees Saciid Cali, halka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka loo Magacaabay Aadan Maxamed Cismaan.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka amniga Koonfur Galbeed ayaa laga dhigay Colaad Maxamed Cali, halka Shamso Sheekh Ibraahim loo Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Wasiirada Cusub ee KGS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media