Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa ka furmaya Shir Wadatashi ah oo u dhexeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Maamulkaas.
Shirkaan Wadatashiga ee u furmaya Lafta-gareen iyo Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee lagu doortay Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha doorashooyinka dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda deegaanada Maamaulka.
Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada KGS Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirka diirada lagu saari doono sidii go’aan looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada kusoo cusboonaatay ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku hor istaagay qaar kamid ah kuraasta lagu doortay Magaalada Baydhabo.
“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadaynaa in maanta Baydhabo uu ka furmaayo shirka wadatashiga Arimaha Doorashooyinka, Shirkaasi oo laga Hadli doono sidii go’aan looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada kusoo cusboonaatay ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ku hor istaagay qaar kamid ah kuraasta lagu doortay Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cali Ibraahim.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Koonfur Galbeed shaacisay inay joojisay wadashaqeyntii Arrimaha doorashooyinka ee kala dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuna eedeeyay inuu faragelin ku haayo doorashada dalka .