Wafdi gaaray Gaalkacyo iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay bukshada ku nool Magaaladaas.

Guddoomiyaaha ayaa ka mahad celiyay sida diirran ee ay usoo dhaweyeen maamulka degmada, wasiiro, Xildhibanada iyo qaybaha kale bulshada ee sida gaarka ah usoo dhaweeyay Guddoomiyaha.

Warbaahinta ayuu la hadlay guddoomiyuhu waxaana uu ka warbixiyay socdaalkiisa uu ku yimid Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in maamulka Galmudug uu dadaal badan ku bixinayo nabadeynta deganada maamulkaas, waxaana Gaalkacyo uu ku ammaanay sida ay uga qayb qaadato nabadeynta iyo hannaanka dowladnimo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa socdaalo ku bixinayay maal mahan degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobalka, waxaana horay uu u tagay degmooyin dhowr ah.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media