Wararkii u danbeeyay ee dalka Maali ayaa waxa ay sheegayaan in xabisga la dhigay Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi, kadib xaalado kacsanaan ah oo ka jiran tan iyo saaka.
Waxaa lasoo sheegayaa in Ibrahim Boubacar Keita oo ah Madaxweynaha dalkaasi xabsiga la dhigay, sidoo kale waxa lasoo sheegayaa in Boubou Cisse oo ah Ra’iisul wasaaraha maali ay ciidamadu Xabsiga dhigeen.
“waxaan idiin caddeyn karnaa in gacanteenna ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii” sidaasi waxaa AFP u sheegay Sarkaal codsaday in aan magaciisa la sheegin, Wuxuu intaa ku daray in labada nin lagu xiray guriga Keita ee caasimada Bamako.
Wararka maanta soo baxayay ayaa sheegayay in Ciidamada Milaterigu ay doonayaan in dalka Af-gambiyaan, oo ay meesha ka wareejinaan madaxda xilka haysa.