Bal qiyaas guriga kugu dheggan hadduu dab qabsado oo xaafaddaadana aysan ka dhoweyn dabdamisna gacan ka geysta sidii loo badbaadin lahaa guriga darsika iyo qoyskaagaba?
Waa sida ay Masar u aragto xaaladda Libya tan iyo sannadkii 2011-kii, markii jagada laga tuuray hogaamiyihii hore ee Libiya Koroneel Mucaamir Al-Qadaafi iyo dowladiisiba.
Libya hadda kama jirto dowladda awood leh oo dalka oo dhan ka howlgasha iyo ciidmo awood u leh iney xuduudooda ilaashadaan.
Dabka ka shidan Libya ayaa dib usoo laba kacleeyay ka dib markii dadka reer Liibiya ay ku guul dareysteen iney heshiis ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah waxayna taasi horseedday in ururada jihaad-doonka ah ay ku xoogeystaan dalkaas gaar ahaan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.
Dalka Turkiga wuxuu hadda u muuqda in uu gaaray guul ka dib markii uu u soo gurmaday dowladda taagta darran ee Libya ee Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay oo dagaal adag kala kulmeysay xoogagga Khalifa Xaftar.
Dowladdaas ayaa mar ku dhowaatay in dalka oo dhan uu gacanteeda ka baxo, iyadoo xilligaa Xaftar uu isku deyayay inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Hadda dowladda fadhigeedu yahay Tripoli waxay gacanta ku heysaa inta badan galbeedka dalkaas, waxayna kusii dhowaaneysaa magaalada shidaalka laga soo saaro ee Banqaazi.
Xiisadda Libya waxay u muuqata in ay yeelatay wejiyo kale, ka dib markii baarlamaanka dalka Masar u ansixiyay in ciidamadooda loo diro hawgal dibadda ah oo Libya ay ka fuliyaan, arrintaas oo sida la aaminsan yahay xiisad horleh ku keentay dagaalka Libya.
Inkastoo Masar aysan markii horeba ka marneyn dagaalka Libya, haddana dad badan waxay isweydiinayaan in ay foodda dari doonaan Turkiga iyo inkale? mar haddii ay u tafaxeedatay hawgal ay ka sameeyaan Libya gudaheeda.