Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa shir guddoomiyey kulan loogu hadlayey Amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, agaasinka guud ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.
Uga dambayntii, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro ee ay kooxaha Argagixisadu ka geystaan Caasimadda.
Si kastaba maalin kahor ayay aheyd markii weerar ku bilowday qarax lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.