Ugu yaraan 30 qof aya ku geeriyootay, 5 kalena wey ku dhaawacmeen Bas ku qalibmay Bartamaha dalkaasi, sida ay Boliska shaaciyeen.
Guddoomiyaha Gobalak Bartamaha ee dalkaasi, Naseri Paul Bea ayaa sheegay inuu Bas ku dhacay Webi ku yaalla Degmadda Boutorou, xilli uu Baska ku socdaalayey waddo isku xirta Caasimadda Siyasaadeed ee dalkaasi ee YAOUNDE iyo caasimadda Gobalka Galbeed ee Bafusaam.
Shilalka ka dhacay dalkaasi ayaa la sheegay inay caadi yihiin, iyadoo ay 1,500 qof sannad kasta ku geeriyoodaan shilalka gaadiidka ee ka dhaca dalkaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka ee dalka Kamiruun.