Hay’adda Sirdoonka dalka Holland ee AVD ayaa sheegtay in 2 ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda Iiraaan ku leedahay dalkaasi la soo masaafuriyey Hollamd.
Afhayeenka Sirdoonka dalkaasi ayaa xaqiijiyey Masaafurintaasi, balse waxa u uka gaabsaday inuu bixiyo faahfaaahin kale
Tallaabadan ayaa ku soo beagantay iyadoo dowladad Austria sheegtay inay Xasaanadda Diplomaasiyadeed ka xayuubin doonaan Sarkaal ka tirsan Safaaradda Iiraan oo dhawaan lagu qabtay dalka Jarmalka.
Ergayga Dowladda Iiraan u jooga caasimadda dalka Austria ee VIENNA, Asadullaahi Assadi ayaa la xiray qorshey la doonayey in lagu qarxiyo Dhismo ay ku shiri lahaayeen Mucaaradka Iiraan oo ku yaalla dalka Faransiiska.
Ilo ku dhow Midowga Europe ayaa lagu sheegay inuu Asadullaahi Assadi xubin ka yahay Sirdoonka Iiraan, isla markaana ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL badai-goobayeen Diplomaasigaasi.