Shilkaan ayaa saakay waxa uu ka dhacay Wadada Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hotelka Wehliye,waxa uuna sababay khasaaro dhimasho ah.
Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya uu wadada ka baxay,isla markaana uu dardaray(jiiray) qof Shacab ah oo wadada marayey,isla markaana uu qofkaasi geeriyooday.
Marxuumka geeriyooday ayaa dad ka agdhawaa goobta u shilka ka dhacay waxa ay sheegeen in uu ahaa Nin Oday ah oo Da’ahaan lagu qoiyaasay 60-ilaa 65 Sano jir,isla markaana lagu Magacaabi jiray Gacal Cumar Maxamuud,waxaana ku dhaawacmay laba ruux oo uu ku jiro darawalkii gaariga.
Gawaarida ay wataan askarta ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shilal noocaan oo kale ah waxa ay ku galaan magalada Muqdisho,waxaana taasi loo sababeynaa in gawaaridaas ay yihin kuwo xoog ku socda taas ay xakameyn waayaan darawalada.