Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta uu is casilay la-taliyihii dhinaca Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Cashar Nadara.
Sababta uu isku casilay la-talayha ayaa waxaa lagu sjeegay in uu doonayo in uu isku sharaxo Xubin ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya si uu uga mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubinta ka banaan Golaha Sahcabka ee uu isku-sharaxayo Cabduqaadir Nadaara ayaa ah tii uu baneeyey Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya xuseen Cismaan Xuseen.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in tallaabada uu isugu sharaxayo xubinta Xildhibaanimo ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso Magalada Baydhabo ay ku dhiirageliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero siinaya.