Madaxda Suuqa COMESA oo ka baaraan-degayo Codsiga xubinnimadda dalalka Somalia iyo Tunisia ee Suuqaasi.

War-qoraal ah oo ay Dowladaha xubnaha ka ah Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ka saareen Shiirweyne ay dhawaan ku yeesheen Casaimadda Jesiiradda Madagaskar ee Antananarivo ayaa lagu sheegay inay wada hadal la geli doonaan Madaxda dalalka Somalia iyo Tunbisia, si ay uga wada xaajoodaan Sharuudaha iyo Heshiiska Guud ee u yaalla Suuqa COMESA.

Afhayeenka COMESA, Mwangi Gakunga ayaa ka gaabsaday inuu sheego muddada ay Wada-xaajoodyadda socon doonaan, ka hor inta aan Go’aan laga gaarin Codsiyadda Labadaasi dal.

Madaxda Dowladaha ku jira Suuqa Ganacsiga ee COMESA ayaa ah Mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee awooda u leh Go’aan-samaynta Suuqa.

Madaxdaasi waxay  horey go’aan uga gaari waayeen Codsigii Dowladda Somalia ee ka mid ahaanshaha Suuqa Xorta ee Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee COMESA, iyagoo dib u dhigay go’aanka ay Dowladda Federalka horey ugu gudbisay Madaxda Suuqa COMESA.

Sannadkii 1967-dii ayaa la asaasay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika, balse waxa uu burburay sannadkii 1977-kii.

Bishii July ee sannadkii 2004-tii  ayaa dib loo dhidbay, iyadoo  ay dalalka Kenya, Uganda, Brundi, Rwanda, South Sudan iyo Tanzania ku mideysan yihiin Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika.
©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor