Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Xukuummadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabduulle Jaabir ayaa Maanta Kulan la qadatay Safiirka Shiinaha ufadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu sacday waxa ay labada masuul kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan dowladda Shiinaha.
” Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka dalka shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxaana kawada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan”ayuu yiri Cabduulle Jaabir .
Ugu dambeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Xukuummadda Federaalka Soomaaaliya ayaa ugu mahadceliyay safiirka shiinaha iyo dowladda deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan Soomaaliya.