Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal awood u leh in uu gaaro Mareykanka

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus milateri ,taasi oo jawaab u ahayd gantaal ah nooca riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay.

Pyongyang ayaa sheegtay in tijaabadani ay digniin u ahayd Washington iyo Seoul.

Kuuriyada waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalkii riddada dheer ee ay tijaabisay Sabtidii uu awood u leeyahay in lagu garaaco dhul weynaha Maraykanka .

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhoolatus wadajir ah sameyn doonaan bisha soo socota.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor