Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka oo Xilkii la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Hanti Dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso.

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyey Hanti dhowrihii hore sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Hanti-dhowraha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare iyo masuuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor