Boliska Faransiiska ayaa qaaday Hawlgal lagu baarayo Aqoonsiyadda dadka Qaxootiga ee Magangelyo-doonka ee Teendhooyinka ka dhistay duleedka Waqooyi ee magaalladda Paris.
Telefishinka Wararka ee BFMTV ayaa baahiyey inay Boliska qorsheynayaan inay Qaxootiga ka soo saaraan Xeradda ay kasamaysteen meel ka baxsan Saldhigga laga raaco Tareenadda ee Stalingard Metro Station.
Telefishinka waxa uu shaaciyey in tiro ka mid ah dadkaasi la filayo in dib loogu celiyo dalalkooda hooyo.
Muhaajiriinta kale ee buuxiyaShuruudaha Qaxootinimadda ayaa sii joogi doonagudaha Faransiiska, halka kuwa kalena dib loogu celin doono dalalkooda.
Ilaa 2,500 Qaxooti oo intooda badan ka soo kala jeeda u dalalka Somalia, Sudan, Libya iyo Syria ayaa ku sugan goobaha ay Qaxootiga Teendhooyinka ka dhiteen ee Waqooyiga Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Dowladda Faransiiska waxay sheegtaay inay nadiifin doonaan Xeradda Qaxootiga ka samaysteen agagaarka Boosteejadda Tareenka ee Stalingarad, balse, lama shaacinin xilliga la burburin doono.
©Radio Dalsan