Muqdisho (Radio Dalsan):-Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay inay Xil-doone weerar geystay ka qaadeen Tallaabooyin Sharciyeed, isla markaana laga xayuubiyey inuu Xildhibaanimo ugu tartamo Doorashadda sannadkan 2016-ka.
War-saxaafadeed ay Guddigaas soo saareen oo loo cuskaday Anshaxa Musharixiinta.ayaan lagu xusin magaca Musharaxa geystay Weerarkaasi.
Dhowr maalmood ka hor, Maleeshiyo kala taabacsan 2 Musharax  Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Bashiir Maxamed Aadan “Xabashow†iyo Musharax Raabico Sheekh Nuurow ayaa isku rasaaseeyey magaalladda Baydhabo.
Ilaa Afar qof ayaa ku geeriyootay Iska hor-imaadkaasi, iyadoo ay tiro kalena ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale, Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxay ka digayaan dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka.
Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu Guddigu soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyink.
Guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay khusayso doorashadu in laga fogaado isla mar ahaantaasna si wadajir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclaysiga, iyo faragelinta doorashooyinka.
Guddigaasi waxaa kaloo Warbaahinta Madaxa Bannaan ugu baaqeen inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.
Ugu dambeyn Guddigu waxay u mahad celiyeen  dhamaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federalka Somalia, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay la  garab taagan yihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016-ka.
©Radio Dalsan