• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kulanka Wadatashiga Madaxda Qaran iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada (SAWIRRO)

Bilan Media by Bilan Media
April 17, 2017
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Abriil 15 -16, 2017  Muqdisho Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

  1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.
  1. Madaxdu waxa ay bogaadiyeen dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkuba.
  1. Madaxdu waxa ay garwaaqsatay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, waxaana la isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.
  1. Madaxdu waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.
  1. Madaxdu, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida dalka iyo mabda’a dib-u-heshiisiinta, waxa ay dhiirrigelinayaan wadahadalka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna-Waljamaaca.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen siyaasadda amniga qaranka iyo hannaanka loo marayo hirgelintiisa, taasoo ay garwadeen ka noqonayaan Golaha Amniga Qaranka.
  1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.
  1. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlad-goboleedyadu (mid kasta).
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si dhakhso ah loo bilaabo, loona dardargeliyo qorshaha hannaanka geeddi-socodka doorashada 2020ka.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
  1. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo.
  1. Madaxdu waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha horumarinta qaran (NDP) iyo mudnaantiisa, waxayse isku raaceen in la sameeyo tiro koobka dhabta ah. Waxaa kale oo la isla gartay heshiisyada iskaashiga cusub (New Partnership Agreement).
  1. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso.
  1. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka DAAWO SAWIRRADA:

 

 

Previous Post

{Dhageyso}:-Maamulka Degmada Marka oo Madaxda Maamulka K/galbeed ku eedeyay in ay masuul ka yihiin Weerada Al-shabab ka geystaan Marka

Next Post

{Dhageyso}:- Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda dhexe oo ka hadlay Ahmiyadda Wadahadalada Ahlusunna iyo Galmudug

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

{Dhageyso}:- Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda dhexe oo ka hadlay Ahmiyadda Wadahadalada Ahlusunna iyo Galmudug

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

by Liban
July 10, 2025
0

Addis Ababa - The Minister of Labour and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, Hon. MP Yusuf Mohamed Adan,...

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

by Liban
July 10, 2025
0

Mogadishu  – The Federal Government of Somalia has initiated a new plan aimed at reopening blocked roadsin the capital, Mogadishu, as...

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

by Liban
July 10, 2025
0

Amman, Jordan - The Minister of Youth and Sports of the Federal Government of Somalia, Hon. Mohamed Abdulkadir Ali, has arrived...

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

by Liban
July 10, 2025
0

London - The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, Hon. Biixi Imaan Cige, has been awarded the prestigious...

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development
English News

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu
English News

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan
English News

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025
English News

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development
  • Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu
  • Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan
  • Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00