Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Wasiirka cusub ee Ganacsiga oo la dhaariyay

Waxaa Goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaiya C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu dhaariyay kulanka guud ee golaha oo hada si toos ah kaga socda xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

Hoos ka khriso Ajendayaasha kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media