Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Farmaajo oo Khudbad jeedinaya  

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa ah kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan la magacaabay iyo khudbad uu Golaha u jeedin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kamid yahay Guddoomiyihii Golaha Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyne farmaajo, isagoona jeedin doona khudbadiisa.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxaana goobjoog ka ah kulankaas 210 Xildhibaan, kuwaasi oo Codka kasoonida siin doona Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media