Shirkadda Hormuud oo War kasoo saartay Burburintii Ciidanka Kenya u geysteen Xarun ay laheyd

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo.

Ciidanka Kenya ayaa burburinta Xarunta Shirka Hormuud u adeegsaday qaraxyo Miinooyin ah oo ay ku xireen dhismaha Xarunta,waxaana dhammaan qalabkii yaallay halkaas ay noqdeen kuwa burburay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom ayaa waxaa lagu sheegay in Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22-kii Agoosto 2019, Ciidamada Kenya ay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun,isla markaana qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay.

Sidoo kale Hormuud Telecom ayaa sheegtay burburinta Xarunta ay sababta in dad danyar oo ka badan 4,000 inay awoodi kari waayeen inay iibsadaan Cunto,Biyo Daawo iyo adeegyo kale oo aasaasi ah,kadib markii ay falkaas uu kala go’ ku keenay Isgaarsiinta iyo EVC Plus.

Ciidamada Kenya ayaa horey fal isugu jiray Dil iyo dhawac u geystay shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom,isla markaana waxaa ay burburiyeen xarumo badan oo ay laheyd Shirka.

Hoos ka Akhriso Waka ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media