DEG DEG: Al Shabab oo sheegatay iney dilen 60 Itoobiyan ah

Idaacada ku hadasha afka xarakada Al Shabab ee radio Andulus ayaa sheegeysa in Al Shabab ay ku dilen ku dhawaad 60 askar weerarkii ay ku qaaden xerada Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askarta ugu badan iney ku dhinten qaraxii ugu horeeyay ee lala eegtay ilinka laga galo xerada ka hor inta uusan weerar toos ah qabsan ciidamada Itoobiya.

Weli AMISOM kama aysan hadlin wararka sheegaya dhimashada 43 Itoobiyanka ah ee lagu dilay weerarkan ay Al Shabab sheegten.

Afhayeenka AMISOM ayaa Dalsan u sheegay in saakay uu jiray isku day lagu weeraray xarunta AMISOM balse waxa uu shaaciyay in ciidankooda ay imminka gacanta ku hayan xaalada xerada la weeraray.

Waxa uu intaasi raaciyay inuusan ka hadli karin khasaaraha weerarka balse ay weli sugayan faahfaahin dheeri ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor