Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Hiiraan ayaa Maanta sabti ah waxaa uu ka qabsoomay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas, kulanka oo uu shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sugida amniga deegaanada Gobolka Hiiraan iyo kan amniga Magaalada Baladweyne oo ay ka dhaceyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda bilaabaneysa.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka uu wax uga qaban lahaa Colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday degaano hoostega Baladweyne oo u dhexeeya Maleeshiyo beeleed.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa inta uu socday kulanka Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ka dhageystay Warbixino ku aadan howlaha lagu xaqiijinayo amniga iyo kaalinta Maamulka kaga aadan howlaha socda.
Ugu dambeyn Cali Jeyte ayaa laamaha amniga Baladweyne faray inay dardargeliyaan xaqiijinta amniga, maadaama Magaaladaas ay kamid tahay magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacan doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.