Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqdey furimaha hore ee Ciidamada Xoogga ay ku leeyihiin Bariga Gobolka Galgaduud iyo fariisimaha Cusub ee abaabulka iyo Qorsheynta Howlgalada .
Goobaha taliyuhu booqdey oo jahooyin kala duwan kaga yaalla Gobolka Galgaduud ayaa saldhig u ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya , waxaa uu taliyuhu Kormeeray Fadhiyada Ciidanka iyo howlaha socda isagoo saraakiisha Taliska 21-aad ka dhageestay Qorsheynta Howlaha socda iyo Duruufaha ku xeeran Ciidamada si Taliska Guud ee Xoogga Dalka uu kaga jawaabo culees kasta oo jira.
Dowlada Faderaalka ayaa wada qorsheynta howlgalada Xoreynta Deegaanada Alshabaab ka joogo Gobolka Galgaduud iyadoo cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya la geeyay deegaano horleh oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud .