Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Amaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa looga hadlay Xoojinta Amniga iyo hirgelinta xeerka Xakameynta Hubka Caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladdu.
Kulanka ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka amaanka.
Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Cali Xagaa ayaa hay’adda amniga faray inay sii xoojiyaan sugida amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhici kara.