Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta oo Arbaco ah guddoomiyey shirka Amniga Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala degmadda Cabudwaaq ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, iyo furista waddooyinka, si loo soo celiyo bilicda, loona xoojiyo amniga & kala danbaynta.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa faray Saraakiisha Ciidamada ammaanka in la dardar-geliyo sugida amniga, isla markaana laga shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro iyo wax kasta oo keeni kara dhibaato loo geysto shacabka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeenka ku boggaadiyey Saraakiisha howlaha ay shacabka u hayaan.