Kooxo hubeysan oo Sarkaal Ciidan ku toogtay duleedka Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa Weerar jidgal ah waxa ay ku dileyn Sarkaal la shegay in uu ka tirsanaa Ciidamadii hore ee millateriga xilli uu ku socdaalayey deegaanka doonka ee duleedka degmada Afgooye.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Guudle Maxamed Nuur,waxana la sheegay in lala diley darawalkii gaariga u waday.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay duleedka Afgooye ku dileyn kusimihii taliya Nabadsugida Afgooye Guudle Maxamed Nuur,isla markaana ay sii qaateen gaari uu watay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha ciidamada ee Gobolkaas weli wax faah faahin ah kama bixin dilka ay Al-Shabaab sheegeen in ay u geysteen kusimaha taliyaha Ciidanka Nabadsugida Degmada Afgooye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor