Hoggaamiyaha Kooxda Hubeysan ee Xoreynta Oromada ee OLA, Kumsa Diriba oo lagu naanayso Jaal Marroo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inay Isbahaysi la noqdeen Kooxda Tigrayga ee TPLF, si ay ula dagaalamaan Dowladda Federalka Ethiopia.
Waxa uu sheegay in Xalka keliya ee haatan xilka looga tuuri karo Dowladda Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali tahay Hawlgal Milliteri oo ah Luqadda ay doonayaan in lagula hadlo, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hoggaamiyaha Kooxda Hubeysan ee OLA waxa uu xusay in Heshiiska Isbahaysiga ay la galeen Ciiddanka Tigrayga la gaaray dhowr isbuuc ka hor, isla markaana lagu wada heshiiyey Heer Is-fahamka Iskaashiga dhanka Milliteriga ee La-dagaalanka Dowladda Ethiopia.
Hadalka Hoggaamiyaha Ciiddanka  Xoreynta Oromada ee OLA, Kumsa Diriba waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii uu RW Abiy Ahmed ugu baaqay dhamaan dadka Ethiopianka inay Ciiddanka ku soo biiraan, si loo joojiyo Ciiddanka Tograyga.
Dhinaca kale,Afhayeenka TPLF,Getajew Reda oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP waxa uu sheegay inay dagaalka joojin doonaan, marka Dowladda Abiy Ahmed xilka laga tuuro.