Dagaalamayaasha Kooxdaasi waxay maanta si buuxda ula wareegeen Caasimadda Gobalka Badakhashaan ee Faisabaad ee Waqooyiga Afganistan, waana Caasimad-gobaleedkii 8-aad oo ay ku qabsadeen muddo 6 maalmood gudaheeda.
Jawaad Mujaahidi oo ka tirsan Golaha Goblkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo socdo kadib ay Daalibaan la wareegeen magaalladda Faisabaad ee Caasimadda u ah Gobalka Badakhashan oo u dhow Xuduudka dalalka Pakistan, Tajakistaan iyo Shiinaha.
Kooxda Daalibaan waxay si buuxda ula soo wareegeen Caasimadaha Goballadda Badakhashan, Baqlaan iyo Farax.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ashraf Qaani waxa uu booqasho ku tegay magaalladda Mazaar-shariif oo Caasimad u ah Gobalka Balkh ee Waqooyiga dalkaasi.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha kala hadli doono Madaxda iyo Taliska Gobalkaasi arrimo la xiriira Ammaanka.
Ashraf Qaani waxaa safarkiisa ku wehliya Marshal Abdirashid Dostan oo mar soo noqday Madaxweyne-ku-xigeen.
Safarkiisa waxa uu ku soo beegmay maalin kadib, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Caasimadda Gobalka Baqlaan ee Polie-Khomri, taasi oo ku taalla Wadada Istaraatijiyadda leh ee isku-xirta magaallooyinka Kaabul iyo Masaara-shariif.