Koonfur Galbeed oo magacaawday Guddoomiye ku-xigeen Cusub (Wareegto)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Wanla-weyn loogu magacaabay inuu noqdo Axmed Cabdullaahi Cabdi, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Bulshada.

Sababta keentay magacaabista xilkaas ayaa waxaa lagu sheegay in baahi loo qabay in la helo Guddoomiye ku-xigeen Cusub oo dardar-gelin kara howlaha horyaalla degmada Wanla-weyn.

Guddoomiyaha Wanla-weyn iyo xubnaha kale ee maamulka degmadaas ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Axmed Cabdullaahi Cabdi, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiir Maxamed Abuukar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media