Koonfur Galbeed oo Maanta xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag dilal geystay

Maxkamadda ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo khamiis ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Nin oo horey Maxkamadda xukun dil ah ugu riday, kadib markii ay dileen rag kamid ahaa dadka deegaanka magaalada Baydhabo.

Labada nin ee saaka la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay marxuum Macalin Daahir Abdullahi Mukhtar iyo Mohamed Geedow Nuurow oo isna horay u dilay marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Goobta ay toogashada ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah ehelada labada marxuum ee horey loo dilay, kuwaasi oo goobjoog ka noqday xukunka qisaasta ahaa.

Magaalada Baydhabo ayaa marar badan lagu toogtay askar iyo dad kale oo lagu helay in ay dilal gesteen, waxaana weli xabsiyada magaaladaasi ku jira maxaabiis kale oo ku xukuman xukunno dil ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor