Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxay caddeysay in go’aankii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.
Koonfur Galbeed waxaa ay intaas ku dartay inaysan marnaba aqbali doonin, waxa ay ku sheegeen damaca shakhsiga ah, iyagoo sheegay ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.
“Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo”ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Koofur Galbeed.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa algu sheegay in Koonfur Galbeed ay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna intaa ku dareen in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.