• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Khilaafka Hirshabelle:-“Ma Fowdo Siyaasadeed, Mise Faafreeb Maamul?!”

Bilan Media by Bilan Media
August 16, 2017
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hirshabelle, Maamul-goboleed ka kooban labo gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cinwaannada wararka warbaahinta Soomaaliyeed ee Afka hooyo iyo Ajnabigaba wax ku qora waxaa qabsaday ku-dhawaad 48-kii, saac ee u danbeysay sheekooyin ku qotoma khilaaf u muuqda mid sad-bursi ah oo ka aloosmay mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka da’da yar ee Hirshabelle.

Maalmahan ayey isasoo tarayeen tuhummada loo jeedinayay Cali Cabdullahi Cosoble, oo ay  xildhibaanno sheegteen inay xilka ka xayuubiyeen iyagoo u cuskanayo qodobo ay salka u geliyeen Takrifal, Xil-gudasho la’aan iyo ka maqnaashaha magaalada maamulka xarunta u ah ee Jowhar. Ilaa intee ayey xalaal tahay eryidda madaxweynaha?-Eedeymahaasi ma yihiin kuwii saxda ahaa?-haddiiba ay haa tahay, maxaa dadajiyay?-ha la dadajiyee maxaan warbaahinta oo marqaati ku filan ama mas’uuliyiin kale loo martigelin?-Mise waxaa jirtay ujeedo dano kale huwan? waa weydiimaha u baahan in laga warceliyo, oo aan isku dayayo inaan jawaabahooda kula  wadaago.

Maamulka Hirshabelle oo ku dhismay dedaal dowladdii u danbeysay u gashay inay isu keento oo ay hal maamul yeeshaan dadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si loo dhameystiro qorshihii caalamka taageerayay ee Hiisiga cusub-“New Deal”,-loona ebyeeyo dowlad-goboleedyada dalka ka dhimayay ka hor doorashadii federaalka, waxa uu soo maray marxalado isaga badnaa tijaabo-awoodeed iyo turanturooyin, maxaa yeelay waxay durba isqabteen dowladdii federaalka gaar ahaan dhinaca maareynta dakhliga.

Xalaalnimada Xil-ka-qaadista madaxweyne Cosoble.

Xildhibaannada golaha wakiillada Hirshabelle oo bartamihii bishii October ee sanadkii 2016-kii, doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa maanta la shaaciyay in xilka laga xayuubiyay isna waxa uu ka koobanyahay, sida dastuurka qabo 117 xubnood, laakin 19 ka mida ah wali lama dhaarin taasi macnaheedu waxaa uu yahay in haatan 98 xildhibaan ay sharciyad heystaan.

Fadhiyada caadiga ah kulamada golaha wakillada waxa ay ku furmi karaan 50+1, taasoo cod-qaadistuna ka dhigeyso Hal-dheeri, balse kuwa xasaasiga ah waa inay soo xaadiraan 66-xildhibaan oo ka mid ah 98-ka mudane markaasoo cod-qaadistuna noqoneyso saddex meelood labo inay dhinac u janjeersadaan.

Fadhigii 14-kii bishan August, qabsoomay oo ay gudoomiye ka ahayd gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha, warbaahinta waa laga mamnuucay inay xaqiiqda ka soo waramaan taasoo tuhun gelineysa xalaalnimada xil-ka-qaadista, kuna darsoo ma jirin nuqullo la soo bandhigay kadib go’aanka la gaaray, si ugu yaraan loo waafajiyo, oraahda leh “Xalaal Dharaar cad ayaa la qashaa” marka qiyaasahaas la qaato waxaa soo baxeysa jawaabta ah Yolkeeni wan gaarnay, taasoo sii wiiqeysa rajada laga qabay xoojinta maamulka curdinka ah.

Saxnimada Eedeymaha la soo bandhigay.

Eedeymaha golaha wakillada gaar ahaan xildhibaannada sheegtay inay xilka ka qaadeen madaxweyne Cosoble, waxay ku eedeeyeen arrimo ay ugu weyn tahay Xil-gudasho la’aan, taasoo dabcan ay xaq u leeyihiin inay kula xisaabtamaan iyagoo matalaya dadka labada gobol ee dagaal-qabiileedku daadashay.

Aan ku yara xusuusiyo madaxweynaha dowlad-goboleedku waxa uu 1-dii August, soo saaray wareegto lagu aqoonsaday inay degmooyin yihiin Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyo isla 9-kii, bishan uu ku magacaabay Feerfeer, Buq-Aqable, Moqokori iyo Buurweyn taasoo wadarta degmooyinka gobolka Hiiraan gaarsiisay 12-degmo. Waxaa jirtay xildhibaanno ka gaduuday go’aanka madaxweynaha iyagoo u garbinaya in deegamada ay ka soo jeedaan laga dhigo degmo sax ah sida Jawiil oo ay ka soo jeedo Marwo, Canab C/llaahi Ciise, gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada. Marka halkaas laga tixraaco sow sheekada ma noqoneyso waa Kaaf iyo Kala dheeri.

Xil-ka-qaadista Gudoonka iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Maalin kadib markii xilka laga xayuubiyay Cosoble, xildhibaanno shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegtay inay xilka qaadeen gudoomiyihii  golaha wakiillada Sheekh Cismaan Barre, oo go’aankii hore ayiday iyo ku-xigeennadiisa, waxay taasi ku beegntay saacado uun kadib markii isaga iyo madaxweynaha oo Jowhar gaaray kadib uu baraarihiisa caddeystay taasoo lama filaan noqotay. Isla maantana xildhibaanno kulmay ayaa ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Guudlaawe.

Malaha waad ka qiyaas qaadan kartaa in xaalku yahay Middi, Middi ku Taag. Oo loo kala baxay labo garab, sababtoo ah gudoomiyaha baaralamanka waxa uu si KMG ah xilka ugu iclaamiyay sida dastuurku qabo, Cali Guudlaawe, isagana wuu aqbalay.

Kaalinta Dowladda iyo Gunaanad

Dowladda federaalka ah oo ay waajib ku tahay inay ku baxdo xaaladaha noocan ah ayuu madaxweyne Cosoble afka ku ballaariyay inay abaabulka wax ka ogtahay amaba leedahay iyadana iskama fogeyn.

Waa suuragal inay jiraan dedaallo aysan warbaahinta helin oo ay bixinayaan madaxda federaalka laakin waxaa qadiyadda sii ololin kara hadallada xanafta leh ee ka soo yeeraya xildhibannaada dhexe oo kala Ayiday qaraarada iska soo horjeeda.

Dagaallo sokeeye, burbur hantiyeed, barakac, qaxootinimo, ayey keenaan Khilaafyada siyaasadda ee qaaradda Afrika. Damaaciga dufan-doonka ah ee aan danta qaran iyo dihane kheyraadka aan dabeecad lagula dul noolaado lahayn ayaa soo daashaday guud ahaan qaaradda gaar ahaan Geyiga Somaliyeed. Khubarradu waxay qabaan in ismaandhaafkani u baahanyahay in Indho Gorgor lagu eego halka uu salka ku hayo si loogu guntado gacan-siinta dhibanayaasha abaaraha iyo dagaallada mudada rubuc-qarniga ka badan ay isu biirsadeen.

W/Q. Abubakar Maxamed Cali.

Waxaad xor u tahay inaad ila soo wadaagto dhaliil ama talo-siin.

Ku soo hagaaji, [email protected].

Previous Post

Dhageyso:-Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Amniga iyo Doorashooyinka Soomaaliland

Next Post

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Fariin u diray Golihiisa Wasiirada

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Next Post

Dhageyso:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Fariin u diray Golihiisa Wasiirada

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 11, 2025
0

Somalia's Federal Government Minister of Internal Security, Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), on Sunday hosted a special welcoming reception in honor...

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

by Liban
May 11, 2025
0

Koogaar (also known as Burdheere), Middle Shabelle Region – Two civilians were killed early this morning in a targeted attack...

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

by Liban
May 11, 2025
0

MOSCOW / KYIV / ISTANBUL —Russian President Vladimir Putin has declared his readiness to engage in direct peace talks with...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
English News

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
English News

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
  • Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
  • Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00