Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda oo Qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana waxaa lala eegtay  Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Soomaaliya xili  ay socdaal ku marayeen Isbaarada Shabeelle oo ku dhaw deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidankii lala eegtay.

Sidoo kale Qaraxa Miinada ayaa waxaa uu haleeyay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda,kuwaasi oo ka baxay Muqdisho,kuna sii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose,hayeeshee uu qaraxaas ku qabsaday Isbaarada Shabeelle.

Ciidamo dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,isla markaana gurmad deg deg ah u sameeyay Ciidankii ku waxyeelobay qaraxaas,waxaana halkaas ay ka soo qaadeen dhaawacyada iyo Meydadka Askarta.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay Isbaarada Shabeelle oo ku dhaw deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media