Khasaaro ka dhashay Dagaalkii ka dhacay degaan ka tirsan Sanaag

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaal saakay deegaanka Cawsane ee Gobolka Sanaag ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalkaas u dhexeeyay Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadka ay isku qabsadeen dhul-daaqsimaad ku yaalla halkaas, waxaana inta uu socday dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkii ka dhacay deegaanka Cawsane, kuwaasi oo loo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku kala yaalla Magaalooyinka Badhan iyo Boosaaso, iyadoo aan lasoo werin dhimasho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli dhinacyada dagaalamay ay is hor-fadhiyaan, waxaana socda dadaadlo ay wadaan Odayaal dhaqmeed iyo dad kale oo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan Colaada.

Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, kuwaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyo beeleed halkaas wada-dega, waxaana dagaalada ay ka dhasheen dhul-daaqsimeedyo iyo dilal aano qabiil.

Comments
Loading...