Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 ee Mareykanka iyo Brazil oo korortay

Anthony Fauchi oo ah  khabiir u qaabilsan arrimaha dhibaatooyinka ee Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa sheegay in waddankiisa uu “dhibaato daran” ku cudurka faafa ee corona virus.

Jaamacadda Johns Hopkins ayaa ku dhawaaqday diiwaangelinta 2249 qof oo ah dhimasho, halka bishii la soo dhaafay 46 kun oo kiis oo corona virus ah laga diwaan galiayay gudaha Mareykanka, taasi oo muujineysa in uu dib usoo laba kacleeyay xanuunkan.

Dalka Baraasiil 99 dhimasho cusub ah oo Corona virus ah ayaa la diiwaangeliyay 4-tii maalin ee la soo dhaafay, taasoo wadarta guud ee dhimashada waddankasia ka dhigeysa 55,961.

Wasaaradda Caafimaadka Brazil ayaa ku dhawaaqday inay in ay diiwaan-galisay 46,860 oo laga helay xanuunka Corona Virus 24-kii saac ee la soo dhaafay, waana tiradii labaad ee ugu badneyd oo cudurkan laga helay  dalka Brazil tan iyo markii uu xanuunkan ka soo if baxay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media