Khabiir ka tirsan QM oo si ku-meel-gaar looga sii daayey Xabsi ku yaalla Tunisia

Maxkamad Rafcaan oo ku taalla caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa amartay in la sii daayo Khabiirkaasi oo lagu magacaaboMonsef Kartas, kaasi oo xirnaa in ku dhow 2 bilood.

Khabiirkaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia, balse haysta Dhalashadda dalka Jarmalka ayaa la sheegay in si Ku-meel-gaar ah loogu sii daayey damiin, inkastoo ay dacwadiisa sii socon doonto.

Monsef Kartas oo ah Khabiir dhanka Hubka oo ka tirsan QM waxaa lagu soo eedeeyey fal Basaasnimo iyo inuu bixiyey Warbixin sir ahayd.

Sharciga Dalka Tunisia waxa uu dhigayaa qofkii lagu helo fal Basaasnimo inuu muteysanayo Xukun dil ah, inkastoo aan Xukunkaasi la dhaqan gelinin dhowrkii sanno ee ugu dambaysay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media