Kenya oo beenisay hadal uu Madaxweynaha Somalia ku sheegay in 180 ilaa 200 Askar Kenyan lagu dilay weerarkii Ceel-cadde

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa beeniyey hadalkaasi, xilli uu Khadka Telefoonka kula hadlayey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi.

Waxa uu sheegay in tirada Madaxweynaha Somalia sheegay tahay mid aan sax ahayn, isla markaana aysan Dowladda Kenya weli shaacinin tiradda rasmiga ee Askartii looga dilay Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

president hassanBeenintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Waresyi uu siiyey Telefishinka Somali Cable TV ku sheegay in Askar Kenyan oo tiradoodu u dhexeyso 180 ilaa 200 lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay weerarkaasi ku dileen 100 Askar Kenyan ah, inkastoo aysan Dowladda Kenya rasmi ahaan u shaacinin Askarta looga dilay Weerarkaasi.

MAYDADKA KDF kdf 2222

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor