Dowladaha Kenya iyo Ugnada ayaa la sheegay inay yihiin labada Waddan ee Bariga Dhexe ee Tartanka ugu jira Hubka, iyadoo ay Ciiddamadda labadaasi dal qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.
Kenya ayaa la sheegay inay 27 million oo Dollar u qoondeeysay inay hub ku soo iibsadaan sannadkan 2018-ka ilaa bisha june ee sannadka soo socda ee 2019-ka.
Barlamaanka dalkaasi waxay isbuucii hore ansixiyeen Kharaj dheeri ah ee soo-gadashadda Hubka, iyadoo loo maray Miisaaniyadda Yar ee dalkaasi (Mini Budget).
Ciiddanka Kenya ee KDF waxay hoos uga dhaceen Tartanka Hubka ee ay Uganda kula jireen, oo haatan hoggaaminaysa Tartanka Hubka ee Bariga Afrika.
Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista ee magaalladda Stochlom ee dalka Sweden (The Stockholm International Peace Research Institute (Sipri) waxay bishii hore shaaciyeen in ay Kenya sannadkii hore ka dalbatay dalka MONTENEGARO Hub ay ku jireen Doonyaha Dagaalka ee Mustacmalka ah ee ay ku rakiban yihiin qoryaha AK 630 ee dhumucdooda tahay 30 milimitir iyo Doonyaha Ilaaladda Xeebaha ee la soo casriyeeyey ee noocoodu yahay JASIRI OPV
Wargeyska Business Daily ayaa qoray in Kharajka Dowladda Kenya ku bixinayso Hubka Culuss lagu sheegay Baahida Difaaca ee Xuduudaha ee La-dagaalanka Alshabaab, oo iyagu horey hawlgallo uga fuliyey Degmooyin waaa weyn oo ku yaalla Kenya, gaar ahaan kuwa ku teedsan Xuduudka Kenya la wadaagto dalka Somalia.